Wufuud kala duwan oo gaaray Garacad

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggoomiyo, wafdi ka socda Itoobiya oo hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo wufuud kale ayaa gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa iyaguna goordhow haalkaas ka degi doona.

Wufuuda ayaa ka qaybgalaysa munaasabad weyn oo goordhow haalkaas ka bilaamanaysa, taas oo xariga looga jari doono dekedda cusub ee Garacad oo muddo afar sano ka badan uu dhismaheedu socday.

PUNTLAND POST