Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dekedda Garacad

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si wadajir ah goordhaweyd xariga uga jaray dekedda cusub ee Garacad.

Munaasabadda xarig ka jarka dekedda Garacad waxaa ka qaybgalay wufuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa ka qaybgalay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale, diblumaasiyiin, isimo, ganacsato iyo marti sharaf kale oo farabadan.

Dekedda Garacad oo dhismaha wajigeeda koowaad socday muddo afar sano ka badan ayaa ah dekeddii ugu horreysay oo ay maalgashtaan ganacsato Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST