
Bannaan-baxyo waaweyn oo ka dhan ah Reer Galbeedka ayaa saaka ka bilowday guud ahaan waddanka Itoobiya sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Caasimadda Addis Ababa iyo magaooyin kale oo ka tirsan Itoobiya ayay saaka ka socdaan bannaan-baxyadan oo lagu diiddan yahay fara-gelinta dalalka Reer Galbeedka ee arrimaha gudaha Itoobiya.
Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin erayo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay u diiddan yihiin fara-gelinta la sheegay in dalalka Reer Galbeedku ku hayaan gudaha Itoobiya.
Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmay xilli dalalka reer galbeedku iyo hay’adaha caalamigu ay dowladda Itoobiya ku cadaadinayeen in ay joojiso colaadda ka taagan Gobolka Tigray islamarkaana wada-hadal lagu xalliyo colaadda Gobolkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.