Wafdi ka socda Itoobiya oo soo gaaray Garowe

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya, diblumaasiyiin, isimo iyo ganacsato ayaa galabta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne kuxigeenka iyo mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Wafdigan ayaa Puntland u yimid ka qayb-galka munaasadda xarig-jarka wejiga kowaad ee dekedda Garacad oo sabtida berri ka dhici doonta deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

PUNTLAND POST