
Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.
Inkastoo dekedda ay hore ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsi wada.
Markabkan oo lagu magacaabo AK Hamburg ayaa si nabdoon ugu xirtay dekedda si uu u dejijo badeecadda ganacsi.
Wejiga kowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya wufuud kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.