
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu dhammaadka bishan October safar qarsoodi ah ku tego magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni ayaa maalmo kadib markii uu furo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland waxa uu safar kooban oo qarsoodi ah ku tegi doonaa Muqdisho sida ay xogo hoose caddaynayaan.
Xogaha ayaa muujinaya in Madaxweyne Deni uu halkaas u tegi doono ajandayaal qarsoon oo salka ku haya mudda kororsi lagu dhex qarinayo dooraahooyinka qof iyo cod.
Wararku waxay sheegayaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya ka dalban doono taageero si uu u hirgeliyo ajandayaashiisa ku dhex qarsoon doorashooyinka qof iyo cod.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.