Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ra’iisul wasaare Xamse iyo wefdigiisa oo hadda ku sugan dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Beledweyne.
Diyaar-garowga imaanshaha wefdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemaya Beledweyne waxaan dhammaan jidadka muhiimka ah ee magaalada la soo dhoobay ciidamo xooggan.
Gobolka Hiiraan ayaa waxa ka socda kacdoon hubaysan oo lagu saarayo kooxaha Al-shabaab kaas oo ay iska kaashanayaan dowlad iyo shacab-ba.
PUNTLAND POST