Ra’iisul Wasaare Xamse oo la dagaalanka Al-shabaab kala hadlay bulshada Dhagaxbuur

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur xarunta gobolka Jarar ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo uu waheliyo Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhagaxbuur oo ay ka wada hadleen la dagaalanka Al-shabaab. Ururka Al-shabaab ayaa dhawaab gudaha u galay Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo ka soo tallaabay xadka gobolka Bakool.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dowlad deegaanka Soomaaliya, isagoo kulamo la qaatay madaxda DDS oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhanka ammaanka.

PUNTLAND POST