Maxkamadda derejada kowaad ee Garoowe ayaa maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiskii dhoofinta geed-quwaaxa.
Liibaan Cali Food oo ku eedaysanaa in uu gudaha Puntland keenay mashruuca dhoofinta geed-quwaaxa ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ah.
Sida ay maxkamaddu sheegtay Liibaan waxaa lagu helay kiiskii uu ku eedaysnaa ee dhoofinta dhirta geed-quwaaxa.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xorriyaddiisa u celisay Cabdiraxmaan Salaad Jawle kadib markii wax caddayn ah loo waayay in uu ku lug-laha kiiskan
Waxaase lagu ganaaxay lacag dhan $1000 Dollar oo lagu sheegay in uu sameeyay amar-diido taas oo ah in uu maxkamadda hor-imaan waayay.
Cabdiraxmaan Salaad Jawle ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga Puntland.
PUNTLAND POST