Madaxweyne Deni oo wada qorshe ka dhan ah urur siyaasadeedyada mucaaradka ah

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan diyaarinaya qorshe uu ku wiiqayo awoodda urur siyaasadeedyada qaarkood.

Madaxweyne Deni ayaa qorshaynaya in uu dowladdiisa ku soo daro shakhsiyaad muhiim u ah urur siyaasadeedyada mucaaradka qaarkood sida ay tilmaamayaan xogo hoose.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu ku doonayaa in uu ku awood-tiro urur siyaasadeedyada loollanka adag la geli kara ururka xukuumadda ee KAAH.

Arrintan ayaa horay madaxweyne Deni ugu sameeyay urur siyaasadeedyada mucaaradka qaarkood kadib markii dowladda xilal laga siiyay dad muhiim u ahaa ururradaas.

PUNTLAND POST