
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diray casumaadda furitaanka wejiga kowaad ee dekedda Garacad.
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida DDS Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sidoo kale loo diray casumaadda ka qayb-galka furitaanka dekedda Garacad.
Mas’uuliyiin iyo ganacsato ka socda Jabuuti ayaa dhinaca kale lagu marti-qaaday furitaanka dekedda Garacad sida ay wararku sheegayaan.
Wejiga kowaad ee dekedda cusub ee Garacad oo muhiim u ah geeska Afrika ayaa lagu wadaa in la furo Sabtida todobaadka soo socda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.