Al-shabaab oo qarxiyay buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan

Ururka Al-shabaab ayaa maanta qarax ku bartilmaameedsaday buundada degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo ah buundo muhiim ah oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa, kaas oo buundada waxyeelo ba’an gaarsiiyey, sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaaday buundada oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Ujeedka qaraxa ayaa ahaa sida warar sheegayaan in mid lagu doonayay in lagu jaro buundada degmada Buulobarde, wuxuuna ku soo aaday, xilli dagaalo ka dhan ah urur Al-shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST