
Wejiga kowaad ee dekedda Garacad ayaa lagu wadaa in si rasmiya loo daah-furo Sabtida soo socota oo ku beegan 22-ka October 2022.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa lagu wadaa in uu daah-furo wejiga kowaad ee dekedda Garacad oo lagu dhisay isku tashi bulsho.
Qaban-qaabada munaasabadda lagu daah-furayo wejiga kowaad ee dekedda cusub oo ka socota Garacad ayaa sida wararku sheegayaan meel geba-gabo ah maraysa.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dekedda ay u diyaarsan yihiin qalab ku filan rarista iyo dejinta shixnadaha ay keenaan maraakiibta xamuulka ah ee kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.