Shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland oo ka cabanaya mushahar la’aan

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda Puntland ayaa cabasho xooggan ka muujinaya mushahar iyo xuquuq ka maqan.

“Waan iska shaqaynaa keliya. Shaqaalaha iyo ciidamadu iyagoo ku shaqeeya duruufta la arkay haddana wax mushahar iyo xuquuq ah ma hayaan” ayuu yiri qof kamid ah shaqaalaha dowladda.

“ Dowladda mushahar iyo xuquuq kale midna kama hayno. Haddana Waxaan u shaqaynaa carruur ay ku jiraan saqiiro aan aqoon wax baa la waayay” ayuu yiri mid kale.

Xarumaha dowladda qaarkood ayaa sidoo kale la sheegayaa in laga jartay korontadii kadib markii dowladdu bixin wayday karashaadka loo yaqaan ‘Running Cost” ee lagu socod-siiyo hawlaha.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dhowaan khasnadda Puntland ku soo dhacday lacag dhan lix malyan oo dollar taas oo laga cabsi qabo in loo isticmaalo dano siyaasadeed.

PUNTLAND POST