Beesha Caalamka oo ka hadashay kulan ka dhacay Garoowe

Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta kulan Garoowe kula qaatay Madaxweynaha Puntland, Guddiga TPEC iyo ururada bulshada rayidka ah, kulankaas oo looga hadlay doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod.

Beesha Caalamka oo bayaan kooban ka soo saaray kulankaas ayaa sheegtay in ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ururada bulshada rayidka ah, ayna ka qayb qaateen dood ku saabsan doorashada tooska ah ee goleyaasha deegaanka Puntland.

“Wakiillo ka socda qaar ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa maanta booqday Garoowe, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka qayb qaatay dood ku saabsan doorashada tooska ah ee deegaanka oo ay la yeesheen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland, waxayna sidoo kale markii dambe la kulmeen xubo matalayey ururada bulshada rayidka ah ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynt Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

PUNTLAND POST