Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay qarax caawa ka dhacay wado mashquul badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino ka soo booday wadada dhinaceeda oo haleeshay gaadiid wadada marayay oo isugu jiray baabuur kuwa raacada ah iyo mootooyinka bajaajta.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka Muqdisho ayaa weli ka hadlin qaraxa khasaaraha gaystay ee caawa la dhacay Muqdisho, sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay.

PUNTLAND POST