Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab oo saaka ka socda Gobolka Shabeellada dhexe

Ciidamo xooggan oo muddooyinkii danbe lagu ururinayay degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa saaka hawlgal ballaaran ah ku qaaday degaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolkaaas.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in hawlgalkaas laga bilaabay dhawr aag oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe islamarkaana degaanno kala duwan looga saaray kooxaha Al-shabaab.

Wararku waxay tilmaamayaan in ciidamadu ay ku wajahan yihiin degmada Aaden Yabaal ee Gobolkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin hawlgalka culus ee saaka ka socda Gobolka Shabeellada dhexe ee lagu qaaday dhulka Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolkaas.

PUNTLAND POST