
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in mudaharaadada ka socda dalka Iran ee looga soo horjeedo xukuumadda dalkaasi ay ku dhinteen boqolaal qof oo ay ku jiraan caruur.
Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay waddanka Maraykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 233 qof oo muddaharaadayaal ah lagu dilay Iran tan iyo bishii hore ee September.
Kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA ayaa sheegtay in 32 qof oo ka mida dadka dhintay in ay da’doodu ka hoosayso 18 jir.
Mudaharaadadan ayaa si joogto ah u socda toddobaadkii shanaad waxaana ay ka dhacayaan qaybo kala duwan oo ku yaalla guud ahaan dalkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.