Wefdiga Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo beeniyay warar laga faafiyay

Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) oo hadda ku sugan waddanka Austria ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay safarkooda.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cismaan (Jeneraal Ciirow) oo kamid ah wefdiga ayaa si cad u beeniyay warar maalmihii danbe aad ugu faafay baraha bulshada oo ku saabsan in safarkoodu la xiriiro u doodidda dadka isku jinsiga ah ee is guursada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in warkaas uu yahay waxba kama jiraan islamarkaana ay faafiyeen dad doonaya in ay suurad-xumeeyaan safarka Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya iyo wefdigiisa.

Arrintaas ayaa ku soo beegmatay xilli ay dhowaan hadal-hayn xooggan ka dhalatay kulan dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Aaden Madoobe iyo Guddoomiyaha Baarlamanka dalka Netherlands oo lagu magacaabo Vera Bergkamp.

Guddoomiyaha Baarlamanka Netherlands Vera Bergkamp ayaa u doodda dadka isku jinsiga ah ee is guursada waxaana la sheegay in iyadana ay u dhaxdo haweeney kale.

PUNTLAND POST