Muxuu yahay Golaha cusub ee dhisay Madaxweyne Deni?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay dhisay gole uu ugu magacdaray ‘Golaha Amniga Puntland’.

Golaha Amniga Puntland ayaa ka kooban, Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Cadaaladda, Teliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta, Nabad sugidda iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka.

Golaha ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee amniga Puntland Gudaha iyo dibadda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

GOLAHA AMNIGA PUNTLAND

1. Madaxweynaha (Guddoomiye)
2. Madaxweyne Ku-xigeenka
(Guddoomiye Ku Xigaanka)
3. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)
4. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)
5. Wasiirka Maaliyadda (Xubin)
6. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)
7. Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)
8. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)
9. Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
10. Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)
11. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)
12. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka (Xubin)


PUNTLAND POST