War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu amray dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed in aysan wax macaamil ah la yeelan karin kooxaha Al-shabaab.
War-saaxafadeedka ayaa lagu caddeeyay in diiwaan-gelinta iyo rukhsadda lagala noqon doono Ganacsidihii ku lug-yeesha la-macaamilka Al-shabaab islamarkaana lala wareegi doono dhammaan hantidiisa.
Dowladdu waxay sheegtay in Ganacsadihii ay ku caddaato in uu u hoggaansamay awaamiirta Al-shabaab ama dhaqaale maaliyadeed siiya aanu dib danbe uga ganacsan doonin dalka.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.