Shacab ku dhintay qarax ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay tiro kalana waa ku dhaawacmeen gaari nooca dadweynaha ah oo miino kula kacday deegaanka Xaawo Cabdi oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Gaari oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Caasi ama Homey ayaa khudaar ka keenay gobolka Shabeellada Hoose una socday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in miino nooca dhulka lagu aaso ah la kacday, iyadoo dadka ku dhintay ay ku jiraan carruur da’ yar.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, iyagoo gurmad u sameeyay dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay loo soo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS, waxaana mararka qaar ay khasaaro kasoo gaartaa dad shacab ah.

PUNTLAND POST