Maxay tahay ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Xamse ee Itoobiya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana oo looga hadlayo amniga qaarada Afrika, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalkaas, Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La-taliyayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

PUNTLAND POST