
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qayb-galay Shirka wadatashiga ee (IMF Afrika Group 1) oo ah shir ay ka soo qeyb galaan Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoonka Bangiyada Dowliga ah ee dalalka Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shirkaas diiraddda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha mustaqbalka Afrika iyo ka gudbidda caqabadaha maaliyadeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka hey’adda maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Mr. Sérgio Pimenta.
Wuxuu xusay in ay ka wada-hadleen sidii loo maalgalin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya maadaama sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay kana go’an tahay Horumarinta iyo maalgalinta ganacsiga bulshada Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.