Puntland: Sincad oo shuruudo adag ku xiray doorashooyinka qof iyo cod

Ururka Sincad oo ka mid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa soo bandhigay aragtidiisa ku aadan doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland.

Ururka Sincad oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa soo jeediyay 6 qodob, kuwaas oo kala ah;

1. In aan la kala reebin dhismaha Maxkamadda Sare iyo dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.
2. In isbaddel lagu sameeyo qaabka doorashada ee liiska xiran.
3. In dib u eegis lagu sameeyo Guddiga Doorashada ee TPEC.
4. In gobolada ka maqan gacanta Puntland xal laga gaaro siyaasadooda.
5. In hal mar doorashadu ka wada dhacdo Puntland oo dhan, oo aan la kala hormarin.
6. Iyo In dib loo furo Dastuurka Puntland oo wax ka baddel lagu sameeyo qodobada khuseeya doorashooyinka.

Shuruudaha ururka Sincad soo bandhigay ayaa ku soo aaday, xilli caawa ay kulan wadatashi ah ku ballansan yihiin Madaxweyne Deni, TPEC iyo ururada Siyaasadda Puntland.

Ururka SINCAD oo hoggaamiyo siyaasi Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa ka mid ah ahaa saddexdii urur ee cododka ugu badan ka helay doorashooyinkii hordhaca ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

PUNTLAND POST