Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaalkaas.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay fashiliyeen weerar uga yimid Al-shabaab.
Dowladda ayaa tilmaantay in dhankeeda saddex askari oo keliya ay uga dhinteen dagaalkaas.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.