Dagaal culus oo ka socda degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa hadda ka socda degaanka Yasooman oo ka tirsan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan siday wararku xaqiijinayaan.

Goob-joogayaal ku sugan degaankaas ayaa laga soo xigtay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab weerartay saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa macawisley ku leeyihiin Yasooman.

Goob-joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in mararka qaarkood qaraxyo culus laga maqlayo halka uu ka socda dagaalka labada dhinac.

Weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka islamarkaana weli kama hadlin saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay la wareegtay gacan ku haynta degaanka Yasooman inkastoo aysan jirin cid ai madax-bannaan u  xaqiijisay warkooda.

PUNTLAND POST