Wasiir dowlaha Madaxtooyada ee Soomaaliya Abshir Bukhaari wuxuu toddobaadki hore ku dooday in “taariikhda Soomaalidu ay dhan ka raran tahay”. Wuxuu intaas ku daray in Cabdiraxmaan Yuusf Al Cadaala, Wasiir ku xigeenka warfaafinta, aad uga cawday raad la’aanta taariikhda maaamul ee Soomaaliya. Mas’uulka la da’da ah Al Cadaala una dhashay Itoobiya ama Kenya kama cawdo raad la’aan taariikheed waayo meelihii lagu keydinayay warqadaha dowladda ka soo baxa lama burburin.
Dowladddii kacaanku hay’adaha ay dhaxashay waxaa ka mid ahaa Matxafkii Garesa u dhowaa Hoteel Curuuba. Sarriirtii Siciid Barqash, nin Cumaani ahaa, oo mar Muqdisho guddoomiye gobol ka ahaa, ayaa matxafka tiil. Laba madfac, ku soo jeeda badweynta Hindiya, ayaa yiil matxafka hortiisa. Waxaa matxafkaas la ballaariyay 1986 markii la dhisay Matxafkii Qaranka oo ku ag yiil Golaha Murtida iyo Madadaalada. Sanadkii 2018kii ayaa la billaabay mashruuc dib loogu dhisayo matxafka.
Wareerka Al Cadaala haysta, oo uu hadda ka hor ka sheekeeyay mar uu la kulmay sarkaal Shiine ah oo ay isku da’ yihiin oo uga warrammay taariikhda xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya, wuxuu ku saabsan yahay burburkii ciidan beeleedkii ururkii USC u geysteen hay’idihii qaranka oo talisba uu taliska kale kala wareegi jiray.
Yaa Xamar Burburiyay?
Abshir Bukhaari wuuu ku dooday in dhallinyarada Soomaaliyeed yihiin 70% dadka Soomaalida sida lagu ogaaday tirokoob dayax-gacmeed la sameeyay dhowr sano ka hor. Sidee dayax-gacmeed u soo saari karaa xog ku saabsan tirada dadka Soomaalida oo uu Abshir Bukhaari ku tilmaamay 12 milyan? Bubrurinta raadka taariikhdu waxay keentay in madaxdu xitaa aysan garanaynin sida dunidu u shaqayso.
Su’aalaha taariikhyahanku inuu ka jawaabo loo baahan yahay waxaa ka mid ah : Yay gacantiisa ku burburtay Muqdisho? Laba aragti ayaa jira. Mid waxaa 1998 soo bandhigay Cabdiqaasim Salaad Xasan, tan kale waxaa 2019 soo bandhigay Sheekh Abuukar Axmed Caddaan.
Sanadkii 1998 Cabdiqaasim Salaaad Xasan ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera in reer miyi ay burburiyeen Muqdisho. Ma Cali Mahdi oo saxiixayaashii Manifesto ka mid ahaa, lahaana Hotel Maka Al Mukarrama ayaa reer Miyi ahaa? Mise Sarreeye Guuto Maxamed Nuur Galaal oo ay ciidammadii United Somali Congress Xamar dagaalka ka billaabay 30kii Diseembar 1990 hoostagayeen baa reer miyi ahaa?
Sheekh Abuukar Axmed Caddaan wuxuu sheegay inuu 1991kii ka digay in dadka aan wax galabsan hantidooda la dhaco, in dadka hantida ummadda dhacda aysan filan karin inay nabad ku nolaadaan. Muqdisho 60% waxaa laga dhisay guryo sharcidarro ah; goobihii dowladda beelo ayaa qabsaday, dugsiyo canshuurta qaranka lagu dhisay dad awood beeleed leh ayaa qabsaday; meelo loo asteeyay dhul degaan ka caaggan waxaa xoog ku dagay dad; degmooyinka ay reer Banaadirigu asaaseen sida Shangaani iyo Xamar Weyne, waxaa laga dhigay goofaf beeleed miliishiyo 1991kii Muqdisho kala qeybsatay ay ka taliyaan. Dadka boobka hantida qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay ka hodmay marnaba ma taageerayaan dowladnimo caddaalad ku salaysan. Miyay taariikhdii Matxafkii Garesa ku kaydsanayd dhinac ka rarnayd? Jawaabta su’aashan waxaa laga sugayaa Abshir Bukhaari.
Burburka guryaha waa laga soo kaban karaa laakiin hantida Soomaaliya ka luntay markii arkiibiyooyinkii (meelaha qoraallada dowladda lagu keydiyo) la burburiyay lama qiyaasi karo. Waxa jira dad amaah ka qaatay bangigii ganagciga iyo kii horumarinta; dad dowladda xilal ka hayay oo guryo waaweyn Muqdihso ka dhisaty iyga oo aan caddaynin meesha ay ka heleen lacagta.
Sidee Muqdisho talo Soomaali u dhexeysa loogu hayn karaa haddii weli dadku aysan garanaynin wixii dhacay 1991 iyo in maqaam beeleedka Muqdisho hadda leedahay ku salaysan yahay burburkii 1991kii? Soomaalida waa dadka ugu horreeyay taariiikhda dunida casriga oo dalkooda ula dhaqmay sida col shisheeye ah oo ku soo duulay oo raadka taariikhda tirtiraya. Fiicnaan lahaydaa in taariikhdeennu dhan ka rarnaato waayo waa la dheellitiri lahaa; hadda taariikhdeennu waa bar-ku-ma-taal. Qofkii raba inuu wax ka ogaado burburka ay Soomaalidu u geysatay Muqdisho, waxaan jeclaan lahaa inuu akhriyo buugga Mogadishu Then and Now: A Pictorial Tribute to Africa’s Most Wounded City ay qortay Rasna Warah, qoraa u dhalatay Kenya.
S. F. Cilmi
Qoruhu wuxuu ahaa tariikhyahan ka soo shaqeeyay matxafkii qaranka iyo wasaaradda tacliinta sare (1981-1989).
You must be logged in to post a comment.