Ruushka oo Liiska Argagixisada ku daray shirkadaha Facebook iyo Instagram

Hay’adda Ruushka u qaabilsan dabagalka Maaliyadda ee loo yaqaan Rosfinmonitoring ayaa shirkadda Meta ee ay hoos yimaadaan Facebook iyo Instagram ku dartay liiska Argagixisada.

Bishii maarso ee sanadkan ayaa dalka Ruushka laga mamnuucay shirkadaha Facebook iyo Instagram iyadoo lagu eedeeyey in ay faafiyaan “Ruush Nacayb”.

Meta waxa ay horay u sheegtay in ay ogolaatay in isticaalayeesheeda ku sugan gudaha Yukreyn ay isticmaali karaan ereyada sida “Ha dhinteen Ruushka soo duulay” (death to Russian invaders), laakiin aysan taasi noqon karin hanjabaad lagu wado dadka shacabka ah ee Ruushka, ayey tiri shirkaddu.

Dalka Ruushka waxaa aad looga isticmaali jiray Instagram-ka, kaas oo loo adeegsan jiray xayeysiiska iyo iibka.

PUNTLAND POST