Websites-yada qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee dalka Maraykanka ayaa hawada laga saaray Isiintii kadib markii lala beegsaday weerarro abaabulan.
Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaanay tallaabadani saamayn ku yeelan duulimaadyadii caadiga ahaa.
Weeraradan ayaa daba socday ka dib baaq ay soo saareen koox taageersan dalka Ruushka oo isku magcaabay Killnet kuwaas oo sheegay inay qaadayaan weeraro abaabulan oo ka dhan ah Maraykanka.
Kooxdan ayaa barta ay ku leedahay Telegram waxay ku soo daabacday bartilmaameedyo u qorshaysan inay weeraraan.
Sidoo kale mareegta garoonka caalamiga ah ee Los Angales ayaa la jabsaday qaybtiisa dadweynaha, iyada oo aan kooxdu ku guulaysan inay u dhacaan qaybta gudaha ee garoonka la shaqaysa.
Afhayeen u hadlay madaarka caalamiga ah ee Los Angeles ayaa sheegay in madaarkoodu uu dhacdadan la wadaagay hay’adda FBI iyo kooxda qaabilsan ammaanka madaarada ee TSA.
PUNTLAND POST