
Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir Saynab Maxamuud Warsame oo ku magac dheer Saynab Xaabsey ayaa awaamiir dhanka amniga ah ku soo rogtay dadweynaha ku dhaqan degmadaas.
Saynab Xaabsey ayaa ku amartay dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Wardhiigley in aysan guryahooda ka kirayn karin qof aanan soo marin hannaanka diiwaan-gelinta ee ay sameeyaan hay’adaha amniga dowladda.
“Gurigii aan la soo marsiin Hay’adaha amniga iyo Maamulka degmada ee la kireeyo waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharci ah” ayay tiri guddoomiye Saynab Xaabsey.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay jiraan dad loo xilsaaray arrintan islamarkaana ay daba-gal sameyn doonaan si loo hubiyo dhaqan-galka go’aanka ay soo saartay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.