Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hadda xiran yihiin barihii ugu waaweynaa ee warbaahinta Al-shabaab kadib go’aankii xalay ka soo baxay dowladda.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-caddaala ayaa sheegay in hawada laga saaray barihii Al-shabaab ku gudbin jireen wararka iyo farriimaha.
“Barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin waana socdaa howlgalku waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman” ayuu yiri Al-caddaala.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay la soo xiriiraan dowladda haddii ay arkaan warbaahin Al-shabaab leedahay oo shaqanaysa si tallaabo looga qaado.
PUNTLAND POST