Al-shabaab oo digniin u diray warbaahinta

Ururka Al-shabaab ayaa si kulul uga hadalay amarkii shalay ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay in ay baahiyaan wararka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa uga digay warbaahinta in ay la saftaan dowladda federaalka, iyagoo dhanka kale ugu baaqday in ay shaqadooda u gutaan si dhexdhexaada.

Bayaan ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu yiri “Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata dowladda federaalka waxaan u aqoonsaneynaa in ay qayb ka tahay duullaanka Al-shabaab”.

“Waxaanna dhamaan saxafiyiinta ka hawlgala Soomaaliya ugu baaqeynaa in ay mihnadooda saxaafadeed u gutaan si hufan” ayaa la raaciyay bayaanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST