Abiy Axmed “waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia”

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqday degaanka Tulli Guuleed oo ah dhul Beereed laga beero Qamadiga.

DegaankaTulli Guuleed ayaa ka tirsan Gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashadan ayaa waxa Raii’sul wasaaraha ku weheliyay Madaxweynayaasha degaanada iyo xubnaha gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

”Waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia iyo dalalka kale ba” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in sannadaha soo socda ay sii kordhin doonaan beerista xaddiga Qamadiga dalkaas.

PUNTLAND POST