Villa Somalia oo ka warbixisay safar uu Xasan Sheekh ku tagay Uganda

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka warbixisay safar uu maanta dalka Uganda ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Villa Somaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga”.

“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda” ayaa la raaciyay.

Waa safarkii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Uganda tan iyo markii la dooray, horay wuxuu booqasho ugu tagay bishii Agoosto.

PUNTLAND POST