Shirkadaha isgaarsiinta oo la faray in ay joojiyaan warbaahinta internet-ka ee Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay shirkadaha bixiyaha adeega internet-ka in ay joojiyaan dhammaan mareegaha Al-shabaab.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa warqad ay 6-dii bishan Oktoobar u dirtay shirkadaha bixiyaha adeega internet-ka ku fartay in ay amarkan ugu dambeyn ku fuliyaan 7-dii bishan (shalay).

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay ciddii fulin wayda amarkan in ay ka qaadayso tallaabo cad oo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale qoraal uu goordhaweyd soo saaray wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuu ku sheegay in barihii ugu waaweynaa internet-ka ee Al-shabaab la xiray, inta hartayna la dhameystiri doono.

PUNTLAND POST