Dadka degaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa soo geba-gabeeyay hawlgal ay ku baadi-goobayeen wiil dhalinyaro ah oo uu ku dumay god dahabka laga qodo.
Wararku waxay sheegayaan in muddo 30 saacadood ka badan kaddib saaka godka laga soo saaray maydka wiilka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid Cali.
Dadka degaanka oo adeegsanaya qalab kala duwan ayay saacado badan ku qaadatay qodida godkaas dumay waxaana la sheegay in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.
Degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaaag ayaa ah halka ugu weyn ee Gobolkaas laga qodo dahabka iyo noocyada kala duwan macdanta.
PUNTLAND POST