
Alle ha u naxariistee, Taliyihii hore ee hay’addii Nabad-sugidda Puntland ee PSS Gen. Cabdullaahi Aaden Dudde ayaa ku geeriyooday dalka Holland.
Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, islamarkaana ka tacsiyeeyay.
“Alle ha u naxariisto Gen. Cabdullaahi Aaden Dudde Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Puntland oo ku geeriyooday Dalka Holland” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.
“Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynaya Shacabka, Saraakiisha Ciidamada Dowladda, eheladii iyo qoyskii uu marxuumku ka geeriyooday” ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.