Safarkaygii Gobolka Gardafuu: Maxaan Ku Soo Arkay Dhulkaas Dad Iyo Duunyo?

Cabdifitaax M. Sugulle

Guddoomiyaha PHA

abdifitah.sugule@gmail.com

Waxaan ka safarnay aniga iyo wafdi wasiiro Puntland ah caasimadda Garoowe subixii Jimcaha 30 September, 2022, 6dii aroornimo.

Waxaannu tagnay magaalada Baargaal 7:30 fiidnimo oo aan u soconnay in kabadan 12 saacadood. Jidku waa dheeraa, badankiisuna waa fiicnaa. Waxaannu ka leexannay Kalabayr, Bari oo ay magaalada Baargaal isu jiraan 295km. Waddadu sidii aan soo sheegay, inta badan way fiicnayd oo sinnayd, wuxuuna gaariga 4 wheel-ka ahi ku socon karaa xawaare celcelis 60-80km saacaddii.

Waxaannu sii marnay Samakaab, Kobdhaxaad, Barako, Dharjaalle, Tuulaciise, Dooxagibin (150km markii Kalabayr laga tago). Sidoo kale, waxaannu sii marnay dalcadda Kalaale, Gargoore, Singaab, Taageer, Waadikhayr, Baargaal, togga Abdeexaan, Fagoole, waddada Lafagoray, iyo Mayro.

Maalin markaannu joognay magaalada Baargaal ayaa aannu afka aadinnay Fagoole, oo Baargaal u jirta 32km, Waxaannu halkaa dhagaxdhignay bilowga dhismaha waddada Lafagoray inta la dhisayo oo dhererkiisu yahay 26km. Wuxuu ka bilowdaa jidku degaanka Fagoole ilaa Mayro ee degmada Bareeda, waana jid muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed (Raaska Soomaaliya).

Waxaan kormeernay jidkaan oo ku dhex soconnay gaari iyo lugba. Runtii waa jid adag oo buuro la fuulayo lagana dagayo. Wuxuu leeyahay muuqaal qurux badan, xeebta ayuuna kulaalayaa oo naacawda xeebta ayaa kugu dhacaysa.

Intaannu soconnay waddada, waxaannu indha-indhaynnay xaaladda guud ee degaanka, dadka degaanka, xaaladda abaarta, xoolaha iyo daaqa, deegaanka, iyo dhaqandhaqaalah bulshadda.

Waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee aan arkay waxaa kamid ahaa:

– Muuqaal dhul qurux badan, waddooyin siman, buuro, iyo dalcado. Gobalka Gardafuu waa gobolka keliya ee Soomaaliya ee leh labo badood: Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

– Dhulku wuxuu leeyahay kaymo, hawd xoolo daaqayn ah, ilo burqanaya oo biyo macaan ah. Waa dhul beero ku habboon oo waxay dadka degaanku ii sheegeen in gobolkaan leeyahay beero badan, uuna ahaa meesha timirta ugu badan ay Soomaaliya ka soo bixi jirtay. Nasiibdarro, beerihii timirta hadda waa cidla oo daanyeerada ayaa timirta ka gurta; cidna ma tacabto, wax dhaqdhaqaaq beeris ah oo ka socdana ma jiraan.

– Gobolka wuxuu Eebbe ku mannaystay khayraadka badda oo hodan ku ah kalluunka; nasiibdarro, dadku way ka gaajaysan yihiin. Waxay ii sheegeen in maraakiib waaweyn oo kalluumaysi ah ay badda ku jiraan. Dadka badankood waxaa il dakhli u ah kalluumaysi oo waxay u shaqeeyaan doonyaha Yementa, ama inta iyagu kalluunka soo dabtaan ayay u iib geeyaan Yemen. Marmar, waxaa kalluunka ka iibsata warshadda kalluunka ee Xaabbo. 1-kii kiilo waxay kaga iibsataa $0.8-$1 dollar.

– Waxaa jira caqabado badan oo kalluumaysatada Gobolka Gardafuu haysata oo ay kamid yihiin: xirfadyari, suuqxumo (suuqa Soomaaliya oo aysan gaari karin oo ka fog sida Boosaaso), maraakiib waaweyn iyo doomo shisheeye oo badda ku jira, qalabka kalluumaysiga oo aysan haysan, warshado baraf ah oo kalluunka kaydiya oo aan jirin, iyo warshado kalluunka gasacadeeya oo aan ka aasaasnayn gobolka markii laga reebo warshadda Xaabbo.

– Dadka oo tiro ahaan yar iyo dhulka oo aad u weyn. Waxaannu marmarka qaar soconaynnay 100km oo qof dhaqaaqaya aynnaan arag. Tuulooyinka aan soo marnay dhammaantood dadku aad bay ugu yaraayeen.

– Dadku waa dad nafaqadarro iyo diif badan ay ka muuqatay, mooral hooseeya, shaqo la’aan ah, duruufo badanna ay ku hareeraysan yihiin.

– Dadku waa dad dawladda jecel, dhib yar oo musaalimiin ah, amnigana jecel. Dhammaan dhulkii aan soo marnay, ku ma aynnaan arag wax hub sita oo waa dhul amni ah oo horumar waara ka hirgali karo.

– Waxaa cajiib ah oo aan soo arkay in dhulka ay carruurtu aad ugu yaraayeen—ma arag carruur ciyaaraysa. Sidoo kale, dumarkana way yaraayeen (waa haddii aysan qarsoonayn). Markaan dadka wayddiiyay sababta degaanka ay carruurtu ugu yar yihiin, waxay ii sheegeen in guurku yar yahay, duruufo dhaqaalena ay jiraan, ragguna dhabarka ku sitaan ilmahooda.

– Carruurta oo yar waa calaamad halis ah, waxaana nabaadguuraya dadka gobolka. Dadku markay waaweynaadaan, mustaqbalka fog dhulku wuxuu noqonayaa mid lamadagaan ah oo dadku ka dhammaadaan.

– Xoolaha aad bay u yaraayeen. Safarka ilaa 350km ah waxaan arkay ari iyo geel tiro yar, waxaana muuqata dadka degaanka inaysan xoola dhaqato ahayn oo ay yihiin kalluun dabato. Inkastoo hadda degaanku ay ka muuqatay abaar ba’an, xoolahana—siiba arigu—aad bay caato u ahaayeen.

Talo soo jeedin:

Dawladda:

1. Waxaan soo jeedinayaa inay dawladda Puntland il gaar ah ku fiiriso Gobolka Gardafuu: horutabinta qorshaha horumarinta Puntland lagu daro, mashaariicda horumarinta Puntlandna laga siiyo mudnaan.

2. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa inay dawladdu u qareento Gobolka Gardafuu, loona saaro guddi horumarinta gobolkaa u qareenta.

3. In dawladda Puntland ay diyaariso mashaariic horumarineed oo ku aaddan gobolkaa, una gudbiso dawladda dhexe iyo deeqbixiyayaasha, si gobolkaa loo soo gaarsiiyo gobollada kale.

4. Dawladda inay gaarsiiso gobolka adeegayada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka (inkastoo adeegga caafimaadka aan ku soo arkay isbitaallo waaweyn magaalooyinka Baargaal iyo Caluula oo si fiican u shaqaynaya).

Bulshada Degaanka:

1. Bulsho horumar ma gaarto hadii uusan jirin lahaansho bulsho (ownership). Waa inay bulshada iyo waxgaradka gobolka u kacaan horumarinta gobolka, una hoggaamiyaan dhaqdhaqaaqaa.

2. Waxgaradka gobolku waa inay u qareemaan gobolka sidii loo horumarin lahaa, loona maalgashan lahaa—iyaguba ha iska billaabaan ee.

3. Bushada degaanka in lagu wacyigaliyo horumarka iyo waxsoosaarka.

4. In la dhiirrigaliyo guurka.

5. In Gobolka Gardafuu loo sameeyo qorshe fog oo HORUMARIN dhaqaaale iyo bulshaba leh.

6. In ganacsatada degaanka iyo kuwa Soomaaliyeed ay maalgashadaan warshadaha kalluumaysiga oo shaqo badan bulshada u abuuraya.

Hay’adaha Horumarinta ee Caalaamiga ah:

1. Waxaan u soo jeedinayaa deeqbixiyayaasha inay mudnaanta siiyaan gobolkaan fog ee gaariwaaga ah, lagana hirgaliyo mashaariic horumarineed oo uu kow ka yahay waxsoosaarka kalluumaysiga iyo beeraha.

2. In hay’adaha caalamiga ah ay ka caawiyaan bulshada gobolka dhoofinta iyo suuqgaynta kalluunka, iyo dhisidda nidaam kalluumaysi oo waafaqsan heerarka suuqyada caalamiga ah.


W/Q: Cabdifitaax Maxamed Sugulle

Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), ahna aqoonyahan wada diraasadda PhD-da arimha Horumarinta, Nabadda iyo Maamulka Dowliga ah (Peace, Governance and Development), Jaamacad University for Peace.