Puntland: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gudbisay degmooyinka laga qabanayo doorashada qof iyo cod

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha Xukuumadda u soo gudbisay degmooyinka laga qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa Golaha Xukuumadda la wadaagay soojeedinta degmooyinka laga qabanayo wejiga labaad ee Doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37 degmo oo isugu jira heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka doorashadu ka dhacayso.

Soojeedinta degmooyinka doorashadu ka dhacayso iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Goluhu isla qaatay in loo gudbiyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC.

Intaas kaddib Wasiir Juxa ayaa xogta Soodimaha iyo tirada degmooyinka doorashada golayaasha deegaanka ku wareejiyey Guddiga TPEC.

PUNTLAND POST