Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirrada ee guddoomiyay Madaxweyne Xasan?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasab Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga la wareegay Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada laga la wareegay Al-shabaab, wuxuuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka Al-shabaab, wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taagan yihiin Ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay la wareegto deegaannada ay ka taliyaan Al-shabaab.

PUNTLAND POST