Madaxda ugu sarraysa Puntland oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan dheer oo albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoonka Baarlamanka sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Wararku waxay sheegayaan in kulanka labada dhinac looga hadlay arrima ay kamid yihiin dhammaystirka barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod oo la rabo in laga hirgeliyo degmooyinka Puntland.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in uu 25-ka bishan October furmo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland.

PUNTLAND POST