Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab, si looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin dalka.
Madaxweynaha Puntland oo dad kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa bogaadiyay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka hubaysan kala horyimid Al-shabaab, si ay degaannadooda uga saaraan.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay beelaha halganka kula jira Al-shabaab in ay sii xoojiyaan, islamarkaana dhammaan la isu-gu tago oo loo midoobo kacdoonka hubaysan.
Sidoo kale, wuxuu ka tacsiyeeyay khasaarihii ka dhashay qaraxyadii u danbeeyay ee lagu weeraray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dad badan dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.