Qarax saddexaad oo ka dhacay Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax saddexaad uu goordhow ka dhacay xerada Lama-galaay.

Waxaa la sheegay in gaari qarax saarnaa uu ku qarxay meel u dhaxaysa saldhiga booliska degmada iyo suuqa dharka ee bartamaha magaalada, qaraxaas ayaa la soo warinayaa in uu geystay khasaare isugu jirta dhamasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qaraxa saddexaad ee Beledweyne ayaa dhacay saacado kaddib markii maanta galinkii hore labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen isla xerada Lama-galaay.

Khasaare baaxad weyn ayaa ka dhashay qaraxyada Beledweyne, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed (Hurre) iyo Abuukar Cabdullaahi Maadeey oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST