Puntland oo bilowday dhismaha wadada Lafa-gorayo

Waxaa la dhagax dhigay bilowga dhismaha wadadda halista badan ee Lafa-gorayo oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka gobolka Gardafuu ee Puntland.

Dhigax dhiga mashruucan waxaa ka qaybgalay wasiirka Hawlaha guud ee Puntland Axmed Bashiir (Cirro), gudoomiyaha hay’adda wadooyinka Puntland Cabdifitaax Sugule, gudoomiyaha gobolka Gardafuu, gudoomiyaasha degmooyinka Baargaal iyo Bareeda, isuduwayaal, taliska qaybta gobolka, isimo, nabadoono, dhalinyaro, iyo qaybaha kale ee bulshadda gobolka Gardafuu.

Waxgaradka gobolka Gardafuu ayaa ku aamay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni dhismaha wadadda Lafa-Gorayo oo baahi weyn loo qabay.

Wadada Lafa-Gorayo waxaa dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayaa 26km oo u dhaxaysa Fagoore iyo Mayro, waxaana fulinaysa shirkadda National Engineering & Construction Corporation.

PUNTLAND POST