Duqeyn lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa kooxda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan oo 01-10-2022 ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobalka Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxa dacwada ee kooxda Al-shabaab.

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaanay Cabdullaahi Yare ayaa horay waxaa madaxiisa malaayiin doollar u dul-dhigtay dowladda Maraynkanka.

Duqeynta lagu dilay Cabdullaahi Nadiir ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen dhowr qof, waxaa kaloona ku dhintay garawalkii gaariga waday iyo wiil uu dhalay Xasan Daahir Aweys oo lagu magacaabo Ibraahim.

PUNTLAND POST