Dowladda Turkiga oo duqaymo ka fulisay gudaha dalka Ciraaq

Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in ay dishay 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas oo xuduudda dalka Turkiga u jira illaa 140 KM. Gobolkan waxaa maamula, dawlad goboleedka Kurdistan.

Hulusi Akar, Wasiirka difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in weeraradan dhinaca cirka ah in lala bartilmaameedsaday illaa 16 goobood oo ku yaalla gobolka Asos ee dalka Ciraaq.

Turkiga ayaa duqaymo ka fulinayey dhinaca woqooyi ee dalka Ciraaq tan iyo sannadkii 2019, iyaga oo sheegayey inay bartilmaameedsanayaan kooxda PKK, si ay uga hortagaan weeraro ay kooxdaasi ka fuliso gudaha dalka Turkiga.

PUNTLAND POST