Dad-weynuhu waa yaqaanaan dantooda, dalkoodana waa jecelyihiin!
Waa caado yaab badan oo dhaqan u noqotay siyaasiga Soomaaliyeed in marka laga qaado xilka uu hayo uu markiiba ku boodo mikrofoonka (microphone-ka), ama heer federaal ha ahaado ama heer dowlad goboleed, waxaa iyadana taas ka daran isla markiiba ceebeyn iyo dhaliil uusan horey uga sheegi jirin inuu kala dul dhaco nidaamkii siyaasadeed ee uu qeybta ka soo ahaa! Oo maxaa is bedelay?… Shaki la’aan wax uu u bartay oo uu is moodsiiyay ayaa ah inuu xilka isaga leeyahay, waxaa madaxiisa ka maqan in xilka siyaasadeed loo simmanayahay oo xataa dadka shacabka ah ee aan waligood qaban xil dowladeed ay mudanyihiin sidiisoo kale inay maalinkooda xilka qabtaan haddii ay helaan fursaddaas.
Siyaasiga Soomaaliyaad, waxaa kale oo uusan garan mar haddii uu shacabka ama dad-weynaha shirinayo isagoo taageero siyaasadeed ka raadsanaya taasi macnaheeda inay tahay in shacabku ay sidiisoo kale yihiin siyaasiyiin ama dadkaas uu taageerrada ka raadiyay ay leeyihiin kaalin siyaasadeed, waxa ay kula socdaan ama ay ku garab taaganyihiin ay tahay aragti ay aaminsanyihiin inay wax-tar u leedahay danta dadka iyo dalka! Waxaa kaloo uusan hubin xilku inuu yahay xil dalku leeyahay oo uusan jirin shakhsi si gaar u leh ama isu siin kara! Haddii uu qofka mas’uulka ah fahamkaas ku shaqeynayo waxaa dhici lahayd in la arko siyaasiyiin badan oo is casila marka la garab maro dastuurka, ama gabood fal siyaasadeed uu dhaco, ama xuquuqda muwaadhinka meel looga dhaco, hasa yeeshee tiro aad u badan oo xilal u haya ummadda ayaan ogeyn in xilka ay hayaan uu yahay xil ay dad-weynuhu leeyihiin, isla markaasna aysan ku ixtiraamin muwaadhiniinta xuquuqda siyaasadeed ee ay leeyihiin, isla mar ahaantaasna indhahooda wixii khaladaad iyo xad-gudubyo dhacay waxay arkaan oo keliya marka ay xilka waayaan!! Waxaase nasiiba daro ah in siyaasi kasta marka uu xilka waayo uusan garan karin xil-kasnimo ha ka tegin!….
Waa sida hadaba ka muuqatay Xasan Shire Abgaal, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, ma mudneyn inuu maanta buun yeeriyo, oo cod-baahiyaha soo qabsado oo dad-weynaha soo shiriyo isaga oo dhaliil ka dhigaya inuu is bedelay hab socodkii siyaasadeed ee nidaamkii uu ka midka ahaa waliba markii uu xilkii waayay! Xasan sida uu isagaba ku celceliyay 3sano iyo 8 bilood isagaa xukuummadda wax kasta ka ahaa. Waxaa hadalkiisa ka muuqday inuu ahaa laf-dhabarkii maamulka uu ku taagnaa, dhinaca kalana waxaa si cad uga muuqday inuu qaadan waayay lama filaanna ay ku ahayd inuu xilkii uu hayay waayay! Wasiirkii hore, hadalkiisa qaybta muhiimka ah ee uusan caddeyn waxay ahayd “Cabdi Faarax Saciid Juxaa, wuxuu ka saaray dowladda kooxdii Saciid Cabdullaahi Deni dhistay, wuxuuna soo geliyay kooxdii isaga campaigners-ka u ahaa!…” oraahdaas waxay si cad mugdiga uga saartay inuu wasiirku ka tirsanaa kooxda aalaaba la eedeeyo ee Aarran-Jaan, markii isaga xilkii laga qaadayna ay kooxdaas dowladdii ka baxday.
Koox noocey noqotaba kama dhisnaan karto dalka oo dhan haddii aysan ku joogin oggolaansho sharci ah oo dowladdu ogtahay!
Marka aad fiiriso ama aad ka fekerto in nin ka tirsan kooxda loogu yeero Aarran-Jaan uu maamulka iyo nidaamka siyaasadda Puntland uu soo galo waxaad dareemeysaa tun-jileecsiga meesha ka jira inta uu la egyahay, waxaa kaloo weedhaas loo macneysan karaa wasiirku inuu si ula kac ah u inkirayo xanta meel kasta laysla dhex marayo ee ah in kooxda uusan magac dhebin (koleyba waxaa loo qaatay Aarran-Jaan) ee iyadu u sabab ahayd in madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Max’ed (Deni) looga adkaado doorashadii madax-weynenimmada ee Dowladda Federal-ka Soomaaliya. Run ahaantii dabeecadaha kooxda ayaa marka laga sheekeynayo qofku wuxuu dareemayaa nidaam aad u guracan oo khayaano iyo ku dhisan mu’aamaraad oo ay malaha kooxdu iska dhaadhicisay inay ku hanan karto kaalin weyn oo ay ku yeelato siyaasadda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Midda kale, wasiirka malaha marna kama fekerin inay denbi iyo xad gudub tahay in isagoo nidaam dowladeed oo sharci ah xil u haya uu hadana ka mid ahaa koox aan sumcad wanaagsan lahayn, oo dabeecad dhaqankeeda uu khatar ku yahay nidaamka iyo nolosha dadka, isla markaasna ay taas khilaafsantahay mas’uuliyaddii uu hayay oo ahayd xil weyn oo ummadeed…kooxda Aarran-Jaan ayaan ahayn urur siyaasadeed, ama wax urur lagu tilmaami karo oo leh qaab dhismeed cad oo la ogyahay, iyo xeerar iyo nidaam hagaya oo la yaqaan, sida macnaha magacu bidhaaminayana waxay tilmaamantahay nidaam wax is daba marin ah, musuqmaasuq, marin habaabinta dad-weynaha iyo mu’aamaraad siyaasadeed, taasoo macnaheedu yahay nidaam aan hoos imaan xeerarka iyo shuruucda dalka.
Wasiirkii hore ee maaliyadda intii uu hadlayay wuxuu si bareer ah oo aan habooneyn hadalkiisa ugu soo daray afkana ku bal-balaariyay sheeko aan munaasab ahayn oo uu isaga hor keenayay odayaasha dhaqanka iyo wasiirka cusub ee loo magacaabay Arrimha Gudaha, waxay ahayd sheeko runtii farriinta ay xambaarsaneyd ay ahayd mid qof kasta uu garan karo. Wasiirkii hore Xasan Shire ayaa sidoo kale baaq xammaasadeysan u diray guddoonka golaha shacabka Puntland, Cabdi-Rashiid Yuusuf iyo xil-dhibaannada ka soo jeeda Sanaag, wuxuu kaloo baaq kaas la mid ah u diray madax-weyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Cusmaan Karaash isagoo uga digaya inay ku raacaan madax-weynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Muxammad (Deni), muddo kororsi uu sheegay inuu damacsanyahay.
Doorashada qof iyo cod talo mideysan bay u baahantahay!
Sida muuqata Xasan Shire, wuxuu ka soo hor jeedaa qorshaha ay soo wado dowladda Puntland ee ah in dowlad goboleedkaas laga hir geliyo doorasho qof iyo cod ah. Xasan Shire ayaa rumeysan in ujeeddada ay dowladdu ka leedahay qorshaas uu yahay oo keliya sidii ay muddo kororsi u sameyn lahayd, waxaana jira xubno badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagana sababtaas oo kale uga soo hor jeeda qorshahaas ay soo wado Puntland. Arrintan dimuqraadiyeynta ayaa runtii waxay noqotay dhibaatada ugu weyn ee dalka meel kasta ka jirta, illaa iyo heer federal waxaad moodaa in wali la gaari la’ayahay nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, gobolka Somaliland oo lagu tilmaamo inuu gaaray nidaamka qof iyo cod wali waxaad modaa nidaamku inuusan lugo adag ku taagneyn, hasa yeeshee arrintan si loo gaaro waxay u baahantahay in golaha shacabka uu kaalin muuqato ka ciyaaro. Waxaana xusid mudan in Bishan aan ku jirno ee Oktoobar 18, 2022, loo ballansanyahay in xukuummadda Puntland ay soo ban-dhigto barnaamijkeeda doorashada qof iyo cod iyo deegaannada laga qabanayo.
Shirka ayaa waxaa qayb ka ah dowladihii maal gelin lahaa doorashada qof iyo codka ah, arrintan oo ah mid muhimaddeeda leh, waxay u baahntahay in hadda laga sii fekero oo golaha shacabka Puntland, xukuummadda iyo cid kasta oo ay khuseyso ay isugu yimaadaan talo ay uga baaraan degayaan si wada jir ah in fursadda la faa’ideysto. Marka aynu ka hadleyno doorashada qof iyo cod, Waxaan meesha soo geli kareyn dano is diidan! sida laga war qabana ma jiraan axsaab inoo dhisan oo taabo gal ah oo leh barnaamijyo iyo qorshayaal muddeysan, sidaas daraadeed barnaamijka dowladda wuxuu u baahanyahay turxan bixin iyo in laga fekero in la suuro geliyo iyo sida ugu haboon ee loo suuro gelin karo. Arrimaha la xiriira inaan deegaannada qaar la gaari kareyn ama aysan ku jirin gacanta maamulka Puntland ma aha arrimo cusub oo waa wax laga gudbo ilaa iyo muddo kooban inta ay suuro geleyso ama awood loo helayo, laakiin waxa hadda hor yaala xukuumadda iyo shacabka in si wada jir ah loogu talaabsado sidii doorasho qof iyo cod loo gaari lahaa.
Guddoonka baarlamanka Cabdi-Rashiid Yuusuf Jibriil iyo xil-dhibaannada golaha shacabka, waxaa la gudboon iney maanta horseed ka noqdaan go’aan ka turjumaya waaqaca yaala iyo in si degdeg ah ay dad-weynaha gacantooda u soo geliyaan saamiga yar ee ay ku leeyihiin awoodda siyaasadeed ee dalka iyo wax ka go’aaminta aayaha jiilasha soo socda. Arrintani waxay u baahantahay geesinimo ay ka horeyso inaad hubto inaad u daneyneyso ummadda aad xilka u heyso! Geesinimo ku dhiiraneysa in wixii danta ummadda ay ku jirto aad ku shaqeyso xataa haddii ay dantaada gaarka ah ka hor imaneyso! Macnaha mar kasta ha ka tegin xil-kasnimo! Waxaa iyadana talo wanaagsan ah, oo golaha shacabka si gaar ah looga baahanyahay inay xil-dhibaannadu ku midoobaan hal barnaamij, taasoo aan ula jeedo inaysan magacyo iyo siyaasado asxaab oo ay ku kala qeybsanyihiin jirin sidaas aawgeedna iyagoon cidna u daneyneyn ay la yimaadaan talo lagu heshiin karo oo ay ku meel mariyaan barnaamijkaas.
You must be logged in to post a comment.