Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo ka hadlay dagaallada ka socda Hiiraan

Madaxweyne ku-xigeenka maaamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalameen kooxdaas.

Wuxuu Dabageed ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada kula wareegeen deegaanada ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen Al-shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay geeri ka xigaan in la yeelo damaca Al-shabaab

“Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno argagixisada Damaceeda, Inaan dhimano annaggoo Sharaf leh oo deegaankeenna difaaceyna waa ku talo galnay” ayuu yiri Dabageed.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyay howlgalkii ay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka degaanka ay kula wareegeen degaanada cusub ee gobolka Hiiraan ka tirsan, waxaana uu  sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada.

PUNTLAND POST