Wasiir Juxaa oo sheegay in aanu marnaba qayb ka noqon doonin wax mudda kororsi la yiraahdo

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa markii u horraysay sheegay in aysan Puntland miiska u saarnayn wax la yiraahdo mudda kororsi.

Wasiir Juxaa oo jimcihii wareysi siinayay BBC-da ayaa sidoo kale caddeeyay in isagu aanu marnaba qayb ka noqon doonin mudda kordhin loo sameeyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

“Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto Juxana taas qeyb kama ahan” ayuu yiri wasiirka oo ka jabaayay su’aal laga weydiiyay arrintaas.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinka qof iyo cod ee hadda Puntland waddo ay ku kooban yihiin golayaasha degaanka oo keliya.

Wuxu sidoo kale caddeeyay in guddiga TPEC ay shaqadoodu ku eg tahay hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee  golayaasha degaanka.

PUNTLAND POST